Barakac Aad U Xoogan Oo Laga Dareemayo Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Magaalada Muqdisho

0
699

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Wadada Isku Xerta Afgoye Iyo Muqdisho Ayaa aga Dareemayaa Mashqul Xilli Ay Ka Soo Barakacayaan Dadkii Ku Dhaqnaa Goobaha Ay Maamulaan Xarakada Al-shabaab

Barakacaani ayaa Yimnid Ka Dib Markii Ay Ciidamada AMISOM IYo Kuwa Dowlada Soomaailya OO Iskaashanaya Ay Weerar Ku Qaadeen Duleeedka Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan Degmada Dayniile

Ka Dib Weerarkaasi Ayaa Shacabka ku Dhaqan Deegaanada Ay Ka Arimiyaan Xarakada Al-shabaab Ka Soo Barakacaya Iyagoo KA Baqanaya In Ay wax yeelo KA Soo Gaarto Dagaalada Ay Qaadayaan AMISOM Iyo Dowlada Kuwa Haatanba Fooda U Saaran In Ay Gudaha U Galaan Deegaanada Loo Barakacay Ee Ceelasha Boyaha

Wadada Isku Xerta Afgoye Iyo Muqdisho Ayaa Haatan Waxa u U Muuqdaa Mid Cakiran Xilli Ay Gawaarida Noocyadoodii Kala Duwan Ay Soo Daabulayaan Dadka Shacabka Ah Ee Ka Cabsi Qaba In Ay Weerar Ku Soo Qaadan AMISOM IYo Dowlda Soomaaliya Islamarkaana Ay KA Soo Gaart Wax Yeelo Dagaaladasi

Isgoyska Ex-control Afgoye Ayaa Ah Mid Ay Ciidamada Dowlada Ku BAarayaan Gawaaridaasi Sida Dadka KA Imaanaya Deeganada Ay Maamulaan Xarakada Al-shabaab Iyagoo Ka Baqdin Qaba In Ay Ay Al-shabaab Alaabahaasi Wax Ku Soo Dhex Qariyaan Ka Dibna Lagu wax Yeeleeyo Dowlada Soomaaliya.

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)