Madaxweyne Farole Iyo Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya Oo kulan Ku Yeeshey Garowe

0
492

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Magaala madaxda Ismaamul Goboleedka  Puntland ee Garoowe waxaa maanta kulan ku yeeshay wefdi ka socda dalka Turkiga iyo mas’uuliyiinta ugu sareeya Maamulkaasi Puntland.

Shirkaasi oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa wada yeeshay Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud Faroole madaxweynaha Puntland iyo wefdi Turkish ah oo maanta Garoowe gaarey islamarkaana uu horkacayey Dr. Kani Torun Oo ah Safiirka Turkiga u jooga Dalka Soomaaliya.

Dr.Kani Iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulankoodii kadib Saxaafadda shir u qabtay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay isla soo qaadeen iyo ujeedada ay xiligan wefdigaas Turkishka ahi magaalada Garoowe usoo Yimaadeen.

Dr. Kani Torun Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay imaatinkiisa deegaanada Puntland isagoo xusay in ay jiraan waxyaabo badan oo ay Soomaaliya iyo Turkigu wadaagaan.

Dr. Faroole ayaa Isna  ku dheeraaday taariikhda xiriirkii soo jireenka aha ka dhexeeyey Soomaaliya iyo dowladihii hore ee dalka Turkiga kasoo arimin jirey.

Wefdigan Turkishka oo noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland soo gaara ayaa waxaa maanta si diiran usoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo u badnaa Wasiiro iyo Xildhibaano

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)