Ra’iisul Wazaare Gaas Oo Maanta Ka Soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

0
1223

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya kaa  oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda QM ee UNPOS.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, xildhibaano, Ururada Haweenka Gobolka Banaadir iyo shacab kale oo aad u farabadan Kuwaa Oo KU Sugnaa Garonka Diyaarada.

Mr Gaas Kulamada Uu Narobi Kula Soo Yeeshay Madaxda UNPOS ayaa waxaa ka soo qeybgalay Lynn Pascoe oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda iyo wafdi kale.

Sidoo kale kulankan waxaa ka soo qeybgalay Alexander Rondos oo ah Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ku sugan Nairobi. Iyadoona Ay Kulanka  shir-guddoominayen Mr.Gaas iyo Mahiga

Shirka Ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta Roadmap-ka,Dhameystirka xilliga kala guurka, arrimaha dastuurka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London  iyo caqabada hortaagan

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)