Dagaal Aad U Xoogan Oo Deegaanka Buuhoodle Ku Dhexmaray Maamulada Qaatuma Iyo Somaliland

0
658

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dagaal u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State iyo kuwa Somaliland ayaa ka dhacay maanta deegaanka Sool-joogto ee duleedka degmada Buuhoodle Kaa Oo Ka Dhashay Qasaaro Farabadan.

Dagaalkaani Ayaa Sida Lagu Soo Wramayo Waxa Uu bilowday kadib markii ciidamada Somaliland ay soo weerareen fariisimo ay ciidamada Khaatumo ku sugnaayeen ayaa ahaa mid xoogaan islamarkaana socdey mudo dhowr saacadood ah Islam,arkaana Laysku Adeegsaday Hubka Noocyadiisii Kala Duwan.

Iyadoo diryanka madaafiicda laysku ridayana laga maqlayey goobo aad uga durugsan meesha uu dagaalku ku Dhexmaray Labadaasii Maleeshiyo.

Iyadoo Dhanka kalena jira gaadiid dagaal oo ay ciidamada maamulka Khaatumo gacanta ku dhigeen kuwaasoo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qori nooca lidka diyaaradaha ee Zuuga loo yaqaano ah Iyo Hub Kale.

Ilaa Iyo Haatan Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dagaalkaas ka dhashay ee kala gaarey labada dhinac, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Khaatumo oo Saxaafadda la hadlay ay sheegeen  in dagaalkaas ay 3-askari kaga geeriyoodeen Halka Maamulka Somalilandna Ay Wax Wa Ah Ka Soo Bixin.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Labada ciidan ayaa ku kala sugan goobihii ay markii hore kala joogeen, mana ahan markii ugu horeysey ee lagu dagaalamo Sool-joogto oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyiga kaga began degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn Oo Ay Iminkadaanba Ku KAla Suganyihiin.