Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Lagu Dilay Mid Kamid ah Wadayaasha Mooto Bajaajka.

0
622

Mid ka mid ah ilaalada Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku Nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajka.

Lama oga sababta keentay toogashada ninkan dhalinyarada ah, balse xilliga uu falka dhacayay ayaa  goobta waxaa ay aheyd mid mashquul badan oo gawaari farabadan ay  marayeen,waxaana askarigii dilka geystay gacanta ku dhigay ciidamada  ammaanka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo goobta tegay ayaa halkaasi  ka qaaday meydka darawalka Mooto bajaajlaha ahaa,iyaga oo geeyay xarunta  hay’adda dambi-barista ee CID-da.

Dilkaan uu Maanta qofka Shacabka ah uu u geystay mid ka mid ah ilaalada Isbitaalka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Isbitaalkaas ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.