Baaritaan La Xiriira Dilkii Maareeyihii Dekedda Boosaaso oo Maaamulka Puntland Raad Goob Ugu Jiro.

0
552
Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa wada baaritaan la xiriira dilka maareyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda PO & Ports,Paul Anthony Formosa oo subixii Isniin  nin hubeysay uu ku toogtay bannaanka dekedda Boosaaso.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland , Saciid Maxamed Raage oo uu dhinac fadhiyay agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa u sheegay warbaahinta in maydka Paul oo ahaa maamulihii guud ee dekedda Boosaaso iyo ninkii dilay inay wali ku jiraan isbitaalka , oo ay socdaan baaritaano.
Wuxuu inta ku daray in howlaha dekedda Boosaaso ay sidoodii u socdaan, balse wuxuu xaqiijiyay qaar ka mid ah shaqaalaha ajanabiga ah  shirkadda PO & Ports ee dekedda Boosaaso inay ka dalka ka dhoofeen.
“Shaqadii dekedda sideedii ayay u socota, mana jirto wax dhib ah oo ka taagan shirkadda PO & Ports iyo howlihii ay dekedda ka waday,balse baaritaano ayaa socda la xiriira dilka maareyihii geeryooday”. ayuu yiri wasiir Saciid Raage.
Dhinaca kale, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland , Saciid Maxamed Raage wuxuu sheegay in amniga magaalada Boosaaso uu wanagsan yahay, xilligaana ay ku suganyihiin cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidammada Puntland, kaddib amar uu bixiyay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.