Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Markii Ugu Horeysay Baydhabo Xukuno Ka Fulisay

0
502

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Gudoomiyaha  Maxkamada ciidamada Qalabka sida Mungaab ayaa maanta waxa Uu xukuno kala duwan ku riday dad gaaraya 54 ruux oo lagu eedeeyay in ay xariir la lahaayeen 53 kamid ah  Xarakada Shabaab Islamarkaana Qaar kalena la siidaayay.

Gaashaanle sare Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo Saxaafada Shir jaraa’id ugu qabtay isagoo ku sugan Magaaladda Baydhaba ee Xarun goboleedka Baay oo uu Xukunka ka dhacay ayaa axa uu faah faahin ka bixiyay Dadkaasi Uu Maanta Xukunka Ku Riday.

Salaad Isaaq Maxamed oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Maxkamada ugu horeyn lasoo taagay laguna soo eedeeyay inuu hore u dil bareer u geystay askari kamid ahaa Ciidanka Dowladda, waxaana maxkamada markii lagu cadeeyay in falkaasi uu geystay isna uu qirtay ay ku riday Xukun dil Deg Deg Ah.

Intaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Waxa uu sheegay in maxkamadu ay u jeesatay  dhagaysiga 53 eedeysanayaal oo ciidamadu ay ku tuhmeyn in ay kamid ahaayeen Xarakada Al-Shabaab oo dhawaan laga saaray meelo ay kamid tahay Magaalada Baydhaba Iyo Goobo Kale Ay Gacanta Ku HAyeeen.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)