Ra’iisul Wazaare Gaas Iyo Wufuud Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

0
1158

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ka Soo Dagay  garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho Isagoo KA Soo Duulay Gegada Diyaaradaha  Cabdilaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacayo.

Madaxdaasi oo beryihii u danbeeyey magaalada Gaalkacyao ku sugnaa waxaa horkacayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wazaare Gaas iyo wefdigiisu waxay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin tira badan oo uu hormuud u ahaa madaxweynaha dalka kuwaas oo labo beri kahor Gaalkacayo Ku Sugnaa.

C/wali Gaas Ayaa Sidoo  Kale  wuxuu kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb galay aaskii qaran ee magaalada Gaalkacayo loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed Oo Maalmo Ka Hor Ku Geeriyooday Dalka Dibadiisa.

Madaxweyne Shiriif oo isna kamid ahaa mas’uuliyiintii shirkaas ka qayb galay ayaa shalay magaalada Gaalkacayo ka dhoofay dibna ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa beryihii u danbeeyey ahaa mid si aad ah loo adkeeyey waxaana weli ku sugan madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Oo Isna Lagu Wado in Uu Saacadaha Soo Socdo Ka Ambaboxo

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)