Madaxweyne Shariif Iyo Wufuud Uu Horkacayo Oo Gaaray Degmada Cadaado Ee G/Gal Gaduud

0
476

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa tegey degmada Cadaado ee gobolka Galguduud isla markaana xarun u ah maamulka Ximan & Xeeb.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Adam, Iyo qaar Kaloo kamid ah xildhibaanada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Waa markii u horeysey oo wefdi caynkaas oo kale uu gaaro degmada cadaado ee maamulka Ximan & Xeeb, waxaana wefdiga Madaxweynuhu ka soo duuleen magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu ku sugnaa labadii maalmood ee u danbeysey.

Waxaana uu booqasho ku tegey magaalada Gaalkacyo dhanka Koonfureed oo ay ka taliyaan Maamulka Galmudug, sidoo kale waxaa Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ka dhacay shir dib loogu saxayo Road Map-ka kaas oo laga soo saarey qodobo wax looga beddalaayo go’aamadii hore Ee Dowlada Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii u horeyey ee uu halkaas ku tago, ayaa lagu sheegay mid caadi ah oo madaxweynuhu ugu kuurgalayo xaaladda gobolkaas iyo sida wax looga qaban karo baahiyada haysta Gobolkaasi.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)