Kaalin Shidaal oo Qarax Lala Eegtay Maanta Khasaaruhu Inta uu La Egyahey Dhimasho iyo Dhaawac.

0
563

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhaw ka dhacay tallaada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho .

Qaraxan dhacay ayaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro iyo qiiq madow oo ka baxaya.

Qaraxa ayaa Waxa uu Ka Dhacey Goob Kaalin Shidaalka Gaadiidku Ka Qaataan,iyadoo Gaariga Qarxey uu Iska Dhigay Mid Shidaal u Baahan,Hase Yeeshee uu Wadahii Ka Dagey,Daqiiqado Kadibna uu Gaarigii Qarxey.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan xoogan ee dhacay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo badan iyo gawaarida gurmadka deg dega.