Xildhibaan Ka Horyimid Xeer Ku Saabsan Wadista Gaadiidka oo Laga Hirgelinayo Magaalada Ontario ee Dalka Canada.

0
667

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Gobolka Ontario  lagana soo doorto xaafadda York South—Weston ee magaalada Toronto  ayaa Soomaalida ku nool gobolka uga digay sharciga cusub ee ku saabsan wadista gawaarida oo dhaqan galay bilowgii bishan Jan. 2019.

Sharcigaan ayaa watta ganaax xoogan oo sababi kara in aad dhumiso shatiga (Driver Lincese) aad ku waddo baabuurkaaga oo waliba kor u qaadi kara qiimaha aad ku ceymisato gaarigaaga.

Qodobada ugu muhiimsan ee sharicigan ayaa waxaa ka mid ah:

1-    Ganaaxa ku hadal iyo fariin diriridda telefoonka waa $1000 marka ugu horeysa ee lagugu qabto, waxaana intaa wehliya seddex beri oo aadan baabuurkaaga wadi karin, isla markaasna seddex dhibcood laga jarayo sharcigay wadista (Driver License) baabuurka

2-    Mar labaad haddii lagugu qabto, ganaaxu wuxuu gaarayaa $2000, Todobo (7) beri oo aadan baabuurkaaga wadi karin iyo lix dhibcood oo hoos loo dhigayo sharciga wadidda (Driver License) baabuurka.

3-    Shan sanno gudaheed, haddii lagugu qabto dambiyada kor ku xusan, waxaa lagugu ganaaxidoonaa lacag dhan $3000, Soddon (30) beri oo aadan baabuurka wadi karin iyo lix (6) dhibcood oo hoos loo dhigayo sharciga baabuurka. Waliba waxaa intaa kuu dheer in uu caymiska gaarigaaga uu kor-u-kacayo

Xildhibaan Feysal ayaa ku adkeeyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ontario in ay si taxadir leh u wataan garwaaridooda si ay uga nabad-galaan ganaaxa sharcigaan cusub oo ka dhaqan-galay gobolka Ontario.