M/weynihii Hore Ahna Hugaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo Kamid Noqonaya Madaxda Ka Qayb Geleysa Caleema Saarka M/weynaha Puntland.

0
574
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo goor dhow ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ku sii jeedda Garoowe.
Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran iyo wafdi weheliya ayaa u tagaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.
Xafladda waxaa kalo ka qaybgalaya wafuud kala duwan, waxaa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii ku xigay Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa kalo ay xafladda kulmisay siyaasiyiinta mucaaradka ah , xubno ka socda golayaasha dowladda federaalka iyo madaxda dowlad-gobolleedyada.