Ciidamada Africom ee Mareykanka oo Shaaciyey in Ka Hadalka Weerarada ay Ka Geystaan Gudaha Soomaaliya ay U Daayeen Daawladda Soomaaliya.

0
532

Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan weerarrada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ka hadalka khasaaraha duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya u daayeen dowladda Soomaaliya oo ay tahay in ay warbaahinta la wadaagto tirada dhimashada iyo khasaaraha Al-shabaab ka soo gaaray weerarada.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo aad moodo in dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka tiro is khilaafsan mar marka qaar ka sheegaan khasaaraha soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab  marka ay dhacaan weerarrada duqeymaha.

Howlgal todobaadkii hore lagu beegsaday Al-shabaab oo ka dhacay meel dulleedka ka ah magaalada Kismaayo ayeey dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay  73 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab , laakiin taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalkaas ku dileen 52 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Maraykanka ayaa kordhiyay weeraradii duqeymaha ahaa ee uu la beegsan  jirey Al-Shabaab tan iyo markii uu talada dalkaas la wareegay Donald  Trump.