Meydka oo sacaado kahor magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyey ayaa loo duuliyey magaalada Gaalkacayo kadib markii lagu tukadey salaadda jinaasada.
Dhinaca kale diyaaradda sidda meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa la socda mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Shiriif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) Ra’iisul wasaaraha Somalia, iyo mudenayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa qayb ka ah madaxda meydka Col.Cabdilaahi Yuusuf soo qaaday.
Aas qaran oo aad u balaaran islamarkaana ay ka qayb gelayaan kumanaan dadweyne ah ayaa saacdaha soo fool leh marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed loogu sameyn doonaa magaalada Gaalkacayo.
Ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa maanta ah mid si aad ah loo adkeeyey waxaana sidoo kale magaalada Gaalkacayo ku sugan islamarkaana aaska qaran ee marxuumkaas ka qayb gelaya mas’uuliyiinta ugu sareysa Puntland.
Madaxwene Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo in badan oo kamid ah golihiisa wasiirada oo shalay degmada Gaalkacayo gaarey aaa xiligan ku sugan garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo.




