Qaraxyo Qasare Naf iyo Maal Dhaliyey oo Saaka Barqadii Ka Dhacey Magaalada Muqdisho ee Gobolkan Banaadir.

0
538

Qaraxyadan oo ahaa Kuwo xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor Barqadii Saaka ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya iyo Ex Barlamaan

Gaar ahaan Hal Qarax Ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan Waxa uuna ka dhacay Barkootarool oo aan ka fogeyn Tiyaartarka Qaranka, waxaana la arkayay Uurada Qaraxa oo cirka sare isku shareertay.

Lama oga in uu ahaa Weerar Ismiidaamin iyo in uu ahaa Qarax gaariga lagu soo raray oo goobta la dhigay, sidoo kale Midka kale ayaa isna ka Dhacey Agagaaraha Daljirka Dahsoon wali wax war ah kama aysan soo bixin khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan oo ahaa Kuwo Aad U xoogan oo jugtooda siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Muqdisho.

Lama Oga Waxa Sababa Qaraxyadan Sida ay Kusoo Gaadhaan Agagaarka Madaxtooyada oo Xayndaab ku Wareegsayahey Hase Ahaatee aan Sugno Waxa ay Sheegaan Hay’adaha Amniga Qaranka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.