Ciidan,Shacab iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo Ku Geeryooday Qaraxyadii Maanta Ka Dhacey Muqdisho.

0
655

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax-yo is xig xigay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho,Kuwaas oo ay Ku Dhinteen Ku Dhawaad Labaataneeyo Isugu Jira Ciidan iyo Shacab uuna ku jiro Wariye Caan ah.

Wariye ka tirsan TV Universal oo lagu magacaabo Cabdicasiis OK ayaa goor dhaw u xaqiijiyay Warbaahinta Gudaha in  qaraxii hore  ee ka dhacay Tayaatarka uu ku geeriyooday Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa wariyayaasha Soomaaliyeed ee magac-weyn ku dhax lahaa warbaahinta Soomaalida isaga oo ka howlgalayay TV-ga Universal.

Qaraxan Tiyaatarka ka Dhacey ayaa lagu waramayaa in uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, sidoo kale waxaa ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladii la soctay.

Qaraxa hore ayaa saameyn ku yeeshay dhismayaasha ka ag dhow Tiyaatarka Qaranka iyo Hooyooyinka, waxaana goobaha uu saameeyay ka mid ah Idaacada Kulmiye ee degan dhismaha Guriga Hooyooyinka iyo Xafiiska Telefishinka Universal oo ku dhow Tiyaatarka iyo Guryo Dad Gaar ahi Leeyihiin oo ku Dhaw Goobta Qaraxu Haleelay ee Agagaarka Guriga Hooyooyinka.