M/weynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Kulan La Qaatey R/w Kuxigeenka Soomaliya Mahdi.

0
586
 
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay madaxwaynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Guuled ayaa madaxwaynaha Jabuuti uga mahad-celiyey taageerrada reer Bjibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Soomaaliya iyo madaxwaynaha Jabuuti.