Xisbiyada Isbedel Doonka Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Shiray Qodobo Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Qilaafka Baarlamaankana Ka Soo Saaray

0
486

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xarunta Midowga Xisbiyada isbedel-doonka Soomaaliyeed oo ku taala magaalada Muqdisho waxaa kulan ballaaran isugu yimid shan Xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira, waxaana kulankaasi si heer sare ah loo soo agaasimay ay uga hadleen xaaladda wadanka marayo xilligaan oo ay sheegeen in dalka ay soo wajaheyso khatar dhinaca jiritaankiisa la xariirta iyo in talada gacanta Soomaali ka sii baxeyso, waxaana ka mid ah xisbiyada kulanka yeeshay:-

1 Xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaaliyeed.

2 Xisbiga dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliyeed.

3 Xisbiga shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed.

4 Xisbiga isku xirka siyaasadda Soomaaliyeed.

5 golaha wadatashiga iyo dib u heshiinta soomaaliyeed ayaa waxaa looga wada hadley arrimo la xiriira xaaladda dalku marayo iyo khilaafka soo kala dhex galey xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed.

 

Waxaana dood iyo falaqeyn kadib shirka kasoo baxey qodobada soo socda:-

1. Midawga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyeed waxey ka xunyihiin isku aragtina ka yihiin xaaladda dalku marayo iyo sida ay wax u socdaan.

2. Xisbiyadu waxey sidoo kale ka xunyihiin khilaafka xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed,oo aanu shacabka soomaaliyeed war u heyn xaqiiqda dhabta ah ee ay isku hayaan xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed iyadoo dhinac kastaa ku doodayo in dhinaca kale ka hortaaganyahey maslaxada dalka iyo tan dadka sharci ahaana ay iyagu yihiin kuwa saxda ah axdiga dalka u yaalana dhawraya oo ku taagan.

3. Midawga xisbiyada isbedoonka soomaaliyeed waxey si wada jir ah u cadeynayaan in ay xaq u leeyihiin in ay soo dhex galaan khilaafka baarlamaanka u dhexeeya maadaama ay isku hayaan masiirka dalka uuna dalku naga wada dhexeeyo anagoo codsaneyna in xubnaha baarlamaanku ogolaadaan xog ogaalnimada dhabta ah ee ka dhexjirta baarlamaanka si axsaabta iyo shacabkuba u ogaadaan inta wada danta guud ee dalka iyo inta wada danta gaarka ah.

4. Midawga xisbiyada isbedeldoonka soomaaliyeed iyo shacabkuba waxey ka walaacsanyihiin siyaasad ahaan halka loo socdo iyo waxa lagu gaarayaba.

5. Midawga xisbiyada isbedeldoonka soomaaliyeed waxey ugu yeerayaan xisbiyada kale ee dalka ka jira in ay ogolaadaan aragti mideysan oo ay ka wada qeyb qaataan dhamaantood si loo helo wado sax ah oo dalku maro iyadoo laga foojiganyahey faragelinta shisheeyaha iyo danaha qarsoon.

 

6. Midawga xisbiyada Soomaaliyeed waxey ugu danbeyntii ka codsanayaan dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay u tanasulaan danta guud ee dalka ayna si sharaf leh u wareejiyaan xilalka ay qaranka u hayeen sanado badan hadii ay sidaas ku sii socdaan awoodda shacabku wey soo ifbixi doontaa iyaguna taariikh madaw ayey gelidoonaan.

Waxaan dhamaan kasoo horjeednaa dilalka duqeymaha iyo qaraxyada shacabka lagu wax yeelaynayo kulanka ayaa waxaa gudoominayey saxaafadana warka siiyey kusimaha gudoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed Md. Cali Maxamed Nuux Timajilic iyo gud kuxigenka xisbiga Shaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyed Md. C/raxmaan Xuseen Cabdi (KOOLI.)



Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)