Shariif Sh.Axmed Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Arday Soomaaliyeed Lagu Sagootinayay

0
526

  Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xafladaani oo ahayd mid ballaaran oo lagu sagootinayay 13 Arday oo deeq Waxbarsho ka heshay wadanka Malaysia ayaa waxaa  ka soo qeyb galay masuuliyiin uu ka mid ahaa Shariif madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxda hey’adda ardayda u qaadeysa dalka Malaysia iyo marti sharaf kale Oo ad U Farabadan.

Iyadoo Oo Uu Ugu horeyn munaasabadda  ka hadlay madaxa hey’adda arday qaadeysa ee dalka Malaysia waxa uuna Sheegay in ardaydaan Soomaaliyeed ay deeq Waxbarasho ay ka heleen dowladda walaalahooda ah ee Malaysia si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan, waxa uu intaa raaciyiy in ardayda ay isugu jiraan kuwa ka kala yimid qeyba kala duwan oo dalka  iyo qaar iyagana ka baxaya dalka dibeddiisa

mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Ugu dambeytii munaasabadda arday Soomaaliyeed lagu sagootinayay waxaa Uu dar daaran ku aadan arday ka Ugu  jeediyay waxa uuna sheegay in ardaydan Saddex iyo Tobanka kooban ay yihiin kuwa u baxaya dalka, dadka iyo Diinta, isla markaana ay wax badan ka badeli doonaan dalka haddii ay wax soo bartaan.

Madaxweyne Shariif ayaa Sidoo Kale arday kula dar daarmay inaysan lumin fursadda Waxbarasho oo ay ka heleen dalka Malaysia,

 Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)