Duleedka Magaalada Muqdisho oo Hal Ruux ku dhintey Qarax Maanta Lala Eegtay Gaari Wadada Marayey.

0
601

Wararka ka imanaya deegaanka Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dadka deegaanka waxaa qaraxa lala eegtay  gaari nuuca raaxada ah oo Prado loo yaqaan oo uu watay nin ku lebisan  deriiska ciidamada Xooga dalka waxaana ku geeriyooday shaqsiga gaariga  qaraxa lala eegtay watay.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in gaariga qaraxa lala eegtay uu ka sii  baxaayey Muqdisho oo uu dhankaa iyo ceelasha kusii wajahnaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya aya tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen,Mana Jirin Cid loo Qabtey Qaraxa.