Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay qaraxi saakay ciidamada Itoobiya lagula beegsaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sh. C/casiis Abu Muscab Afhayeenka xarakada Al-Shabaab, ayaa u sheegay idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab Ee Andalus in ay qaraxi saakay ku laayeen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku lugeeynayey xaafada Nuur Xawaad Ee Magaalada Bladweyne.
Dhinaca Kale Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne iyo kuwa maamulka Dooxada Shabelle ee ku sugan magaalada Kaasi Oo Ku aadan Qaraxii SaakayLagula Eegtay Magaalada Baladweyne.
Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyey in ay ku dileen agagaarka Buundada Koowaad ilaa iyo 8 ruux oo rayid ah kuwaasi oo ay haleeshay rasaas ay fureen waxyar kadib marki saakay Qaraxa Lagula Beegsaday Magaalada Baladweyn.
Shacabka Ku dhintay ayaa waxaa ku jira arday iyo macallimiin wax ka barta iskuulada magaalada Baladweyne, sidoo kale waxaa lasoo warinayaa dhaawacyada in ay kasii badanyihiin ilaa iyo 5 kale oo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka Ee Magaalada Baladweyne.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)





