Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Wararka ay ka heleyso magaalada Beldweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay qarax lagula eegtay xaafada Nuur Xawaad ciidamo Itoobiyaan ah Oo Ku Lugeenayay Halkaasi.
Qaraxaani Lala Eegtay Ciidamadaan oo si saf ah ugu lugeynayey meel wadada Buunda-weyn ee ku taala dhinaca bari ee magaalada ayaa la sheegayaa in lagu qarxiyey miino kuwa la dhigo wadada dhinaceeda taasi oo qaraxeedana laga maqlay dhamaan magaalada Bladweyne Ee Xarunta Gobolkaasi Hiiraan.
Kadib Qaraxa ayey ciidanka Itoobiya halkaasi ka sameeyeen howlgalo iyaga oo xiray dhamaan wadooyinka soo galo xaafada Nuur Xawaad Ee Magaalada Baladweyne
Ilaa Iyo Haatan ayaan la Xaqiijin Karin qasaaraa ka dhashay miinada lagu qarxiyey ciidanka Itoobiya, sidoo kale ma jirto cid sheegatay weerarkaasi lagu Qaaday Ciidamada Iyhopia Ee Mararay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Baladweyne.
Isbuucaani Gudaheeda ayey aheyd marki qof naftii hure ah uu ciidamada Itoobiya ku weeraray xarunta Gobolka ee magaalada Beledweyne isaga oo isku qarxiyey albaabka hore oo ay xiligaasi joogeen ciidamo u badnaa Itoobiyaan.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




