Barlamaanka Maamulka K/galbeed oo Maanta Asixiyey Xubnaha Bedelaya Kuwii Hore isaga Casilay Gudiga Doorashada M/weynaha.

0
518

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ah ku-simaha madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo ku kooban 15 xubnood.

Guddigan ayaa markii la magacaabay kaddib waxaa la horgeeyay fadhiga xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna ku ansixiyay cod aqlabiyad ah.

Gudigan oo badali doonaan xubnihii horey isku casilay ayaa laga sugayaa dhameystirka howlaha ka dhiman qabanqaabada loogu jiro doorashada, kaddib markii ay dib uga dhacday waqtiggii loo idmaday maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  ah mid siweyn isha looga wada hayo oo ay ku laalami doonaan musharixiin dhowr ah.

Lama Oga in ay Gudigani Hawsha Halkii Ay Joogtey Kasii Wadayaan iyo In ay Hada Soo Bilaabayaan Diiwaan gelinta Musharaxiinta Shuruudaha iyo Anshaxa Doorashada ee Hore Loo Shaaciyey,Waxaana Lagu Soo Waramayaa in Muran Farabadan uu Barlamaanka Ka Dillaacey Kaasoo Qaar Barlamaanka Ka Mid ahi Diidanaayeen Xubnahan Maanta Lagu Dhawaaqey oo ay ku Doodayaan in ay Dhinac Kaliya Yihiin.