Bahda Saxaafadda Ee Bari Oo Canbaareeyey Dilkii Weriye Fantastic, Eheladiisana Tacsi U Diray

0
521

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xafiiska wasaarada war-faafinta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso waxaa maanta ka dhacay kulan baroor diiq ah oo looga tacsiyeynayey dilkii weriye Cumar Xasan Cabdi (Fantastic) oo ahaa agaasimihii Idaacada Shabelle kaas oo labo beri kahor magaalada Muqdisho lagu diley.

Kulankan oo ahaa mid ay qaban qaabadiisa iska lahaayeen Saxafiyiinta gobolka Bari ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimeyaasha Idaacadaha ka shaqeeya gobolka, wakiilada gobolka u jooga TV-yada Caalamiga ah, in badan oo kamid ah Editors-ka Websiteyada ka jira Puntland, iyo tifetireyaasha wargeysyada.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii bahda Saxaafada ee gobolku ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan dilkii weriye Fantastic iyo sida ay uga xun yihiin ugana tiiraanyeysan yihiin in mid kamid ah dadkii ay isku mihnada ahaayeen si arxan dara ah loo dilo.

Gabagabadii waxay dhamaan dadkii kulanka maanta xarunta wasaarada war-faafinta ee gobolka Bari ka dhacday oo weriyeyaal u badnaa tacsi u direen eheladii iyo qaraabadii uu ifka kaga tegey weriye Fantastic iyagoo ilaah uga baryey in uu isaga u naxariisto iyagana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Tani ayaanaheen markii ugu horeysey ee magaalada Muqdisho weriyey lagu dilo haseyeeshee 18-kii bishii Dec ee sanadkii tegey ee 2012 ayey ahayd markii isla magaalada Muqdisho lagu diley weriye Cabdisalaam Sheekh Xasan (Xiis) oo ahaa wakiilka TV-ga  Horn Cable ee Muqdisho ilaaa iyo haatana Lama soo bandhigin Shaqsigii Geestay Dilkaasi Iyadoo ay Dowlada TFG-dana Balan Qaaday In Ay Wax QabanDoonto Amaanka wariyayaasha Soomaaliyeed.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)