Xarakada Al Shabab Iyo Dowlada TFG_da Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaalki Jaziira

0
504

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xaalada deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa haatan dagan kadib dagaalo culus oo saakay ilaa 1:00 duhurnimo ku dhexmarayay Al Shabaab iyo ciidamada dowlada TFG-da Soomnaaliya.

15 ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dagaalada kuwaasi oo isugu jiray dhinacyadi dagaalamay, halka ay ku barakaceen dad u badnaa barakacayaal oo ku noolaa Jaziira, Ceel-Dheere iyo deegaano kale islmarkaaana ay saameenta dagaalkaasigaartay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaalki saakay ku qabsatay fariisimihi dowlada ee Jaziira hase yeeshee ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM ayaa dib u qabsaday, waxaana hada ay kala joogaan labada dhinac deegaanka Baqal oo ay ku suganyihiin ciidamada dowlada TFG-da Soomaaliya kaasi oo ka shisheeya Jaziira iyo dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab oo u baxay dhinaca deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay iminkadaanba ay ku suganyihiin.

Sheekh C/casiis Abu Muscab Afhayeenka Xarakada Al Shabaab, ayaa sheegay in ay guula kasoo gaareen dagaalki saakay, haatanna ciidankiisu ay si iskood ah uga soo baxeen Jaziira marki ay gaaareen hadafkii ay U dagaal tageen.

Dhagabadan Abaanduulaha ciidanka qalabka sida ee dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa Isna sheegay in ay hada ku daba jiraan kooxihi soo weeraray oo uu sheegay in ay wali ku ceyrsanayaan deegaanka Dhanaane e gobolka shabelaha Hoose.

Xarakada Al shabaab ayaa Wali ku Muujinaya Dagaalada Ay Ku Soo Qaadayaan qatarta ay galin karaan Goobaha ay Maamulaaan Dowlada TFG-da  Ee  magaalada Mudisho oo ay hada gacanta ku heyso Dowlada Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)