Dalka Jabuuti oo Lagu Soo Gaba Gabeeyey Shirka Golaha Iskaashiga Maayerada Caasimadaha Islamka.

0
496
Shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti,kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.
Duqa caasimadda Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.
Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xog-hayaha guud ee ururka u doortay Faadumo  Cawaale Cismaan, Maayarka caasimadda Jabuuti  oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hoggaamin doonta 2-da sanno ee soo socota.
Sidoo Kale Waxaa Shirka Qayb ka ahaa Mayerka Magaalada Qudus ee Dalka Falatiin Dalkaas oo Colaado Ba’ani Beryahan ka oognaayeen,Dad Badan Rayid Falastiini ahna Lagu Laayey Kaas oo Aanu Shirku Waxba Ka Dhihin Laguna Soo Hadal Qaadin Xaaladda iyo Colaada Ka Taagan ama U Dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin.