Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, iyadoo ay dhinac taaganyihiin madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya, sida laga soo xigtay Eritrean Press (EP).
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kuma soo darin hadalkiisa goorta loo cayimay inay midoobaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka.
Madaxwaynaha Eriteriya Isais Afwerki, madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dr Abey ayaa booqday magaalada Gondar oo uu ku aasanyahay madaxwaynaha Eriteriya awoowgiisa, saddexda hoggaamiye ayaa kulan saddex geesood ah oo ay yeesheen waxaa ay uga hadleen dhaqaalaha, isdhexgalka siyaasadda Geeska Afrika iyo heshiiskii Asmara ay horay ugu soo saxiixdeen.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wargayska uu kasoo xigtay khudbad uu ka jeediyay magaalada Gondar in taariikhda Geeska Afrika ay isbadashay.
“Hadda waxa aynu u gudbaynaa wada shaqayn dhanka gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo inaan xaqiijino iyo la dagaallanka faqriga”.ayuu yiri Farmaajo.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa baahiyay isbadalka uu horseedka u yahay ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana hoggaamiyayaasha saddexda ka dhaxeeya xiriir iyo iskaashiga dhinacyo badan leh,kaas oo isku soo dhaweeyay.
Kulan ay shalay galab isugu yimaadeen sadaxda Hogaamiye ee Itoobiya, Eritereeya iyo Soomaaliya ayaa kulankaas waxaa qudbad afka amxaariga ku baxday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, kaas oo sheegay in sadxad wadan ay mudo aan fogeeynin isku darmi doonaan isla markaana ay yeelan doonaan Hal Madaxweyne.
Hadalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa ah mid daba socda qudbooyin uu in mudo ah ka sheegayay iidacadaha iyo Telefishinada dalkiisa kaas oo uu ku sheegayay in wadamada Geeska Africa, gaar ahaan Itoobiya, Eritereeya iyo Soomaaliya isku biiri doonaan oo ay noqon doonaan dul qura.
Hadalka ka soo yeeray RW Abiy Axmad ayaa waxaan shaki ku jirin in uu dib u kicin doono dareenka dadka Soomaaliyeed oo wali aaminsan in Iatoobiya xoog ku qabsatay kuna haysato dal iyo dad Soomaaliyeed.