Dalka Mareykanka oo Muwaadin Soomaaliyeed Maxkamaed Lasoo Taagey/Maxaa Loo Haytaa?.

0
507

Maxamed Cabdullaahi oo ah muwaadin Soomaali ah maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka isaga oo ku eedeysan in uu ku lug lahaa dilka gabar cadaan oo dhacay 14kii bishan.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay soo xireen aroornimadii Isiinta Maxamed Cabdullaahi oo 27 sano jir Soomaali ah, waxaana qabashadiisa ay ka dambeysay kadib markii askari uu joojiyay gaari uu watay Maxamed.

Booliiska ayaa sheegay in ay is waafaqeen kaddib wareysi ay la yeesheen eedeysanaha warbixinta uu bixiyay iyo calaamadaha ku yaalla jirka gabadha meydka ah.

Gabadhan ayaa horey loogu soo eedeeyay in dhawr mar sidan oo kale jirkeeda uga ganacsatay, balse booliska ayaa waxa ay baaritaano ku wadaan dhacaamada ay ka qaadeen meydka gabadhan.

Hay’adda Care oo u dooda dadka muslimka ah iyo qareenka Maxamed Cabdullaahi ayaa saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan, si dadka ay ula wadaagaan halka uu xaalka marayo.