Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Soo Dhaweeyey Xil Ka Qadistii Lagu Sameeyey Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka Ah Ee QM U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya

0
638

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

War Murtiyeed Ka Soo Baxay Xafiiska Ku Simaha Madaxweynaha Xisbiga MJS Md.C/Nur Darman ahna G/ku xigen xisbiga midnimada jamhuurga soomaaliyed mudane Cali Max’ed Nuux Tima jilic ayaa si weyn loogu soo dhaweyey badalaada ku xigeenka uqeybsamaha soomaalia ee UN~ka Mudane cristian manhal oo dhawaan laga qaaday xilka kuxigeenimada  wakiilka xog hayaha guud ee QM Mr,bankiyamun iyadoo sidoo kale codsaday in talaabadaas oo kale laga qaado wakiilka u qaabilsan soomaalia xog’hayaha guud ee QM Mr,Mahiiga.

Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed wuxuu cadeynayaa in burbur kala qeybsanaan iyo dagaansho la’anta siyaasadeed ee ka taagan dalka soomaaliya ay qeyb weyn ku leeyihin Mahiga ku xigeenadisa iyo shaqaalaha UN,ka ee hoostaga isaga waa Mahige waxa ay jecelyihiin in ay maskaxdooda ku maamulaan dalka soomaliya ayna ka yeelaan sidey rabaan iyagoo anan wax talo ah weydinin dadka soomaaliyeed.

Waxay marwalbo abaabulaan shirar iyo mashaariic aan wax faa’ido ah u laheyn dalka iyo dadka soomaalia si ay dhaqaale uga helaan wadamada deeqaha bixiya mana rabaan in ay istaagto soomaaliya madaxbanaan waxay in badan ku guleysten in ay iska hor keenaan hey’adaha dastuuriga ah ee hogaaminta dalka sida madaxtoyada xukumada iyo baarlamaanka, ugu dambeyntiina waxay manta ku guuleysteen in ay iska hor keenaan xubnaha baarlamaanka.

sidaasi owgeed waxaan xog’hayaha guud ee QM Beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha soomaalia ka codsaneynaa in Mr,mahiga iyo raga ka hoos shaqeeya aan lagu fiirsan dalka soomaalia sidoo kale waxan codsaneynaa in soomaaliya laga bixiyo faragalinta militery siyaasadeed oo ay ku hayaan wadamada dariska la ah soomaalia taasoo aysan ku jirin xalka daganaanshaha soomaaliya Baa lagu soo gabangabeeyey War murtiyeedka oo uu ku saxiixnaa kusimaha M/weyne Darman Ahna G/ku xigeenka XMJS Cali Max’ed Nuux Tima Jilic.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)