Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadeed ee Dalka oo Maanta Ka Qayb Galey Soo Bandhigidda Xeerka Doorashooyinka Soomaaliya.

0
499

Kulankan oo ay ka Qayb Galeen Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda Ayaa waxaa Lagu Soo Bandhigay Qabyo Qoraalka Xeerka Doorashooyinka Soomaaliya Kaas oo ay Soo Qaban Qaabisey Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta,Kaas oo uu Daah Furey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Diini,dhanka kale waxaa Sidoo kale kasoo qayb galey Waziiru Dawlaha wasaaradda,Agaasimaha Guud ee wasaarada iyo Madax kale oo iyana wasaaradda ka tirsan.

Shirka Ama Kulanka ayaa iyana Waxaa kasoo Qayb galey Gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,Xubno ka Socdey,Guddiga Xudduudaha,La Taliyeyaasha Madaxweynaha iyo R/wasaaraha,Wasiirka Dastuurka,Xildhibaano iyo Sanetarro,Goobjoog u ahaa Soo Bandhigidda Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Dhanka Kale Waxaa Kulanka Lagu Casumey 100 Xubnood oo isugu jira Madaxda iyo Wakiilo Xibiyo iyo Ururo Siyaasadeed Kasocdey Kuwaasoo la Doonayo in ay Xeerka waxna ku Daraan Waxna ka Dhimaan Marka ay Soo Aqriyaan ,Iyadoo la Siiyey Muddo 3 Cisho ah,kadibna ay wasaaradda La Wadaagaan Waxaana Aad looga Wada Hadley Faa’iidooyinka uu Xambaarsan yahey Xeerkani iyadoo ugu danbeyntii loo Balamey Mar kale in berito laysu soo laabto si doodda iyo Falaqayntu Halkeeda uga Sii Socoto.