Guddoomiyaha Golaha Shacabka dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbaday ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya in ay dhowraan xasaannada xildhibaanka, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa nabad-galyada is hortaag ku sameeyeen xildhibaanno gali lahaa xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ee leyska hortaagay maanta in ay u gudbaan dhinaca xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in markii uu ciidamada la siiyay jawaab aan habooneyn.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaaga maanta lagu sameeyay Xilhibaanada Golaha Shacabka.
Xildhibaannada ka cabanaya ciidamada ee sheegay in la handaday ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi C/ fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka.
Kulanka waxaa maanta xaadiray 145 ka mid ah 275da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya,iyo Xildhibaan Sharafeedka Aan Cod iyo Kooram Buuxin Midna ku Laheyn Barlamaanka Dhexdiisa.











