Shirka 65’aad ee Dalka Sudan uga Furmey Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo Soomaaliya Shir Gudoomineyso.

0
549
 
Dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka ah shir guddoonka shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO oo ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan.
Waxaa ku matalaya shirka dowladda Soomaaliya, wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ,oo loo doortay ku-xigeenka shir guddoonka, waxaana ay ka hadashay dadaallada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.
Shirkaas oo socon doona illaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurrada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.