Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa shaaciyay howlgal lagu furayo jidad muhiim u ah gargaarka Bani’aadannimo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Gaar ahaan jidadka leysku furayo ayaa isku xira degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi oo ay adagtahay xiligan in leysaga gudbo, waxaana howlgalkan uu muhiim u yahay sidii sahyada gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horay u sheegay dhawaan in ciidamada Soomaaliya ay ka kala bilaabeen howgallo Baladweyne iyo Balcad, waxa uuna xusay in ay isugu imaan doonaan deegaanka Fiidow.
Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaannada ay go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab oo caqabad ku ah isku socodka degmooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya.
Lama Oga Sida ay Hawshani U Hirgeli Doonto hase Yeeshee Maamulka Hirshabeele ayaa Doonaya in uu Bilaabo Xilligan Hawlo iyo Wax Qabadkii ugu Horeeyey Tan iyo Waqtigii uu Xilka La Wareegay Madaxweynaha Xiligan Maxamed Cabdi Waare.











