Sadex Dhalinyaro Laga Qabtey Gurigii Allaha U Naxariistee M/weynihii Hore ee Soomaaliya Aadan cade oo Dib Xorriyadooda u Helay.

0
534
Dowladda Soomaaliya ayaa dib xoriyaddooda ugu celisay saddex dhallinyaro ah oo lagu soo xirey howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan dowladda ay fuliyeen beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.
Cabdilaahi Xaaji , oo ah Aabbaha dhalay labo ka mid ah  wiilasha la xiray ayaa xaqiijiyay in galinkii dambe ee Arbacadii dib loo soo celiyay, isagoo sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen muddada ay gacanta ugu jireen dowladda.
Saddexda nin ee dhallinyarada ah ayaa waxaa lagu kala magacaaba Xuseen Cabdullaahi Xaaji, Cusmaan Cabdullaahi Xaaji iyo Axmed Cali Cismaan , iyagoo dowladda u xirnaa tan iyo shantii bishii hore ee September.
Dowladda Soomaaliya, ayaa hore raalli gelin uga bixisey falka lagu galay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan.
Beerta iyo gurigaba madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo al Shabaab,waxaana howlgalka ay gudaha ugu galeen bishii hore ciidamadda dowladda lagu sheegay markii ugu horraysay ee la weeraro.