Xiisad gacsanaan ah oo manta laga dareemayo magaalada boosaaso kadib qaraxyo badan oo lagu arkay

0
515

 

Wararka Somaliya “warsom.com”

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ayaa sheegay in magaaladaasi ay kajiro Xiisad kascanaan ah kadib markii lagu arkay waxyaabaha qarxa oo la soo dhigay meelo kamida magaaladaasi.

Goobaha waxyaabaha qarxa laga helay ayaa waxa kamida Suuqii weynaa ee dhowaan gubtay iyo qaar kamida wadooyinka Magaalada Boosaaso taasi oo cabsi xoogan ay ka muujiyeen dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boosaaso.

Dhinacakale Magaalada Boosaaso ayaa waxa ku sugan wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya C/willi Maxamed Cali Gaas oo safar ku tegay Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa inta badan waxa kadhaca qaraxyo kala duwan oo lala eegto masuuliyiinta Maamulka Puntland iyadoona xiliyada ay ka dhacaan qaraxyada masuuliyiinta Maamulkaasi uu ku eedeeyo inay ka danbeeyaan Dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya islamarkaan ciidamada Maamulkaasi ay Xabsiyada ku guraan dadka masaakiinta ee ku barakacay Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland