Shacabka Laascaanood oo Xaaladdooda ay Ka Hadashey Dawlad Goboleedka Puntland.

0
599

Puntland ayaa ku eedaysay Soomaaliland inay caburin ku heyso shacabka ku nool magaalada Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool, sida ku cad warsaxaafadeed goor dhow u baahiyay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa ku wargeliyay hay’adaha u doodda xaquuqda insaanka oo ay ugu horreeyso Human Rights Watch iyo beesha caalamka xaaladda ay ku suganyihiin shacabka inay-tahay mid adag oo aan loo dulqaadan karin.

“Degmada Laascaanood waxaa hadda ka socda caburin, xarig iyo jirdil aan la aqbali karin oo loo geysannayo hooyooyin, arday iyo shacab nugul oo aan waxba galabsan… Puntland waxay u sheegaysa shacabka gobolka Sool in Puntland aysan ku eegan doonin xasuuqa iyo dhibaatada lugu hayo , ayna Puntland xoreyn doonto shacabkeeda ku sugan Laascaanood.” ayaa lugu yiri warsaxaafadeedka.

Mas’uuliyiinta amniga iyo kuwa degmada Laascaanood oo aan xiriir la sameynay kama aysan jawaabin eedeynta ugu timid Puntland.

warsom2011@gmail.com