Dhalinyaro Ku Hubeysneyd Bastoolado oo Ciidamada Amnigu Kasoo Qabteen Guri ku yaal Degmada Waaberi.

0
590

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  howlgal ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen guri ku yaal degmada Waaberi kaasoo ay ciidamadu ku soo qabteen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan.

Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa bartilmaameedsaday guri ay degenaayeen rag lagu tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Waxaase ay wararku sheegayaan in ciidamadu iska caabin kala kulmeen dhalinyarada balse waxaa ay ugu dambeyntii ay gacanta ku dhigeen labada ruux ee hubeysnaa kuwaasoo mid kamid ah uu ku dhaawacmay is rasaaseyn dhex martay ciidamada howlgalkan fuliyay.

Degmada Waaberi ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ugu badan ee ay raga ku hubeysan bastooladaha ku dilaan dad iyadoo dilkii ugu dambeeyay loogu geystey nin ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka.

warsom2011@gmail.com