Dagaalka Deegaanka Tuka- Raq oo Beesha Caalamku War Kasoo Saartey.

0
598

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliyaa ayaa sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin isku-dhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo Somaliland, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin deg deg ah.

Dagaal culus ayaa subaxnimadii hore ee shalay ku dhaxmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaalkaa uu geystay khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Saaxiibada Caalamku ayaa waxaa ay labada dhinac ugu baaqeen in ay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, oo ay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaana gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Waxaa kaloo ay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar, iyaga oo intaas ku daray in dagaalka uu uga sii darayo dhibaatada heysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobiya, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ugu dambeyn ku baaqay dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

warsom2011@gmail.com