Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ka sameeyay Isgoyska KM4 howlgal lagu soo qabqabtay tiro ka badan 60 nooca gadiidka yar yar ee Bajaajka, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin amaan darada ka jirta magaalada.
Gaar ahaan gadiidka la qab qabtay ayaa ah kuwo Taargo la’aan ah, waxaana ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in la tuhusan yahay qaarkood in ay qeyb ka yihiin falalka isugu jira dilka iyo dhaca laga geysto magaalada.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa kormeer ugu tagay halka lagu soo bandhigay Mootooyinka, wuxuuna arrintan ka wareystay maamulka degmada Hodan.
“Waxaan ku suganahay saldhigga degmada Hodan oo lagu soo qabtay gaadiidka loo yaqaano Mooto Bajaajka, kuwa badan oo Taargo la’aan ah, waxaa dhacday Mooto Bajaaj aqoonsi la’aan ah in caawa dad lagu rasaaseeyay, dhalinyarada waxaan fareynaa in ay raadsadaan aqoonsiyadooda, ma aqbali doono in sharci la’aan lagu shaqeyst,” ayuu yiri Tuulax.
Mootooyinka yar yar ee Bajaajka ah oo sanadihii ugu danbeeyayba siweyn ugu soo badanayay guud ahaanba dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa intooda badan shaqeeya xiliyada habeenkii, waxaana marka dhinac laga eego la oran karaa waxaa ay siweyn sahleen adeegii kala duwanaa bulshada iyo isku-socdka magaalada iyadoo qofku uu qiimo aad u hoose ku tagi karo halkii uu doono.
warsom2011@gmail.com








