Degmada Matabaan ee G/hiiraan oo uu Maanta Gaarey Gudoomiyaha Golaha Fulinta Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

0
535

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wafdi uu horkacayo madaxa xukuumadda Gal-mudug Sheekh Max’ed Shaakir ayaa  gaaray Dagmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Duleedka Dagmada ayaa Waxaa Kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah Maamulka iyo Shacabka  kunool degmada Matabaan.

Imaatinka Wafdiga ayaa lagu sheegay iyadoo Baryihii u dambeyay ay halkaasi ka socotay Gogol Nabadeed oo lagu hashiisiinayo Beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Deegaano ka wada tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.


Sheekh Shaakir iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb noqdaan dadaallada Nabadeed ee Beelahaasi walaalaha ah lagu dhameeynayo Colaadda u dhaxeyso.

Maamullada Gal-mudug iyo Hir-shabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay si wada jir ah uga qeyb qaadanayeen dib u heshiisiinta Beelaha taasoo ay gogosheedu taalo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

warsom2011@gmail.com