Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan dalalka midowga Yurub iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladaha dhinacyada ammaanka iyo dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi la tagi doonta qorshaheeda dhismaha ciidamada iyo la dagaalanka kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Siciid Fiqi, Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray dalkaasi ayaa shir gudoomin doona, ayadoo la filayo in shirka dhaqaale loogu yabooho Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com









