Xildhibaan ka Tirsanaa Barlamaanka Federalka oo Xaley Muqdisho ku Geeryooday Ex Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Dheere.

0
604

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Dheere oo ka tirsanaa  Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Khaliif ayaa maalmihii ugu dambeeyay xanuunsanayay wuxuuna xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee xildhibaanka geeriyooday ayaa wuxuu ka mid ahaa mudanayaashii laga soo doortay maamulka Koofur Galbeed, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

warsom2011@gmail.com