G/sare C/naasir Xoosh oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Darajada 1’aad Ku ukuntey Dil Toogasho ah.

0
564

Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida.

Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhex dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya Siciid Mariino kaddib markii uu muran dhex maray.

20-Bishii February ayaa Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxaa ay ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir xukun dil toogasho ah,balse uu racfaanka qaatay, balse ugu dambeyn maanta mar kale xukun dil toogasho ah lagu xukumay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida S/guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhowaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed .

warsom2011@gmail.com