Xubno La Sheegay in ay Miinooyin ku Aasayeen Inta u Dhaxeysa Daynuunaay iyo Baydhabo oo Maamulka K/galbeed Sheegeen in ay Qabteen.

0
554

 

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u Aasaayay waddada u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay.

Waxaa ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed in la qabtay labo qof, kuwaasoo Miino ku Aasaayay Waddada.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuraddiin Gacma ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Ammaanka ay qarxiyeen miinadii, islamarkaana hadda labada nin la geenay magaalada Baydhabo.

Afhayeenka ayaa sheegay in raggaan dhawaan Caddaaladda la marsiin doono, maadaama ay doonaayeen in ay dhibaateeyaan dadka Shacab ah.

Deegaannada maamullka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin Al-shabaab iyaga oo halkaa ka geysta weerarro kala duwan.

warsom2011@gmail.com