Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac uu Gaystey Qaraxii Galabta Ka Dhacey Hotel Weheliye oo Faah Faahin Dheeraad ahi kasoo Baxeyso.

0
567

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Warar hor dhac ah oo soo gaaraya Shabakadda Warbaahinta Warsom ayaa sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday goob dad badan ku shaahayeen, waxaana jira khasare baaxad leh oo ka dhashay qaraxan.

Ugu yaraan 25 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay qaraxan ku dhinteen kuwaas oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay Halka Dhaawacu Sii Caga Cageynayo inta La Ogyahey 42 Ruux.

Waxaa sidoo kale jira dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood la leeyahay waxaa soo gaaray dhaawacyo culus.

Hotel Weheliye ayaa ku yaala Waddada Maka Al-Mukarama oo ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan caasimada, waxaana ku yaala goob ganacsi haba ugu badnaadeen Hotellada ugu caasan magaalada.

Xarakada Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa Sheegtey in ay Ka Danbeeyeen Qaraxaas Iyagoo Sheegay in ay Bartimaameedsadeen Saraakiil iyo Ciidamo Dawladda Federalka Ka Tirsanaa oo U Badnaa Dadka Goobta Fadhiyey Ama Ku Qaxweynayey.

warsom2011@gmail.com