Xubno Ka Tirsan Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo Ugu Baaqey Beesha Caalamka in ay Faragelinta Ka Fogaadaan.

0
507

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ay sheegeen in beesha Caalamku ay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 Kulanka oo ka mid ah kulamadii is dabo jooga ahaa ee ay yeelanayeen Xildhibaanada Mooshinka wado oo dhacay Muqdisho ayaa lagu sheegay warkan, waxaana la cadeeyay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay wadaan fara-gelin muuqata oo la xariirta arrimaha Mooshinka Jawaari.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay kulankaasi  ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin cidii faraha la soo gasho hawlaha Xildhibaanada Baarlamaanka iyaguna ay u madax banaanan yihiin Arrimaha Mooshinka sida uu yiri.

Mudane Jeesow ayaa farta ku goday qaar ka mid ah Xubnaha Beesha Caalamka gaar ahaan Wakiilka Xoghaya  guud ee QM ee Soomaaliya waxuuna  cadeeyay in loo baahan yahay inay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka.

Maalmo ka hor ayaa waxaa jirtay Baaq ka soo baxday Beesha Caalamka kaasi oo looga digayo Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, in khilaafka siyaasadeed ee dhaxyaalo lagu xaliyo wada hadal iyo habka sharciga waa faaqsan.

warsom2011@gmail.com