Magaalada Muqdisho oo Markii Sadexaad Laga Soo Dejiyey Maxaabiis Laga Keenay Dalka Liibiya.

0
587

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw oo maanta ah soo gaaray qeybtii saddexaad maxaabiis laga keenay dalka, kuwaa oo soo deyntooda dadaal dheeraad ah u ku bixisay dowladda Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxaa ay gaareysaa illaa 14 dhalinyaro ah oo doortay in dalka dib ugu soo laabtaan iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxaa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.

warsom2011@gmail.com