Magaalada Muqdisho waxaa dib u furmay jidad muhiim oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay xirnaa, kaddib markii ay soo baxeen digniinno ka dhan ah Amaanka.
Wadayaasha gadiidka qaarkood ayaa sheegay in ay dib u furmeen jidadkii maalmihii aynu soo dhaafnay xirnaa ee laga celinayay, sida Isgoysyada ku yaalla wadada Wadnaha oo ay adkeyd in gaadiid ka soo gudbo ama u gudbo.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoog leh ku qabay xirnaashaha jidadka iyo qaabka cusub ee loo dhignay xirnaashaha oo bulshada qaarkood ku tilmaameen in lagu kala xirxirayo isku socodka caasimada.
Goobihii dadka ay hal gaari ku tagi jireen ayaa labo gaari lagu tagayay, waxaana labada dhinac ee magaalada u kala xirneyd ka kala shaqeynayay baabuur kala duwan oo midba dhan magaalada ku geynayay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’addaha ammaanka oo ku aadan intii maalmood ee ay xirnaayeen, iyo dib u furida waddooyinka, hase ahaatee waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay jiray digniino ku aadan baabuur qaraxyo sida oo magaalada soo galay.
warsom2011@gmail.com









