Xeebaha Dalka Soomaaliya oo Kooxo Burcadbadeed ahi Ku Weerareen Markab Ganacsi.

0
597

Kooxo hubeysan oo ah Burcad baddeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi  oo laga leeyahay dalka Singabuur sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi.

Markabka la weeraray ayaa waxaa lagu magacabaa  MT Leopard Sun,waxaana  ka soo shiraacday xeebaha dalka Oman  kuna sii jeeday magaalada Cape Town ee dalka Koofur Africa, kaa oo siday Haamo Kiimiko ah.

Kooxda Burcadbadeeda Soomaalida ayaa la sheegay in ay wateen labo Doomood oo ah kuwa aadka u dheereeya.

War ka soo baxay  ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Burcad baddeed Soomaali ay weerar ku qaadeen Markabkaasi kuwaa soo sitay laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano, islamarkaana ay shaacin doonaan Khasaaraha ka dhashay weerarka.

warsom2011@gmail.com