Hay’adda Nabadsugidda iyo Sir doonka Soomaaliya oo Maanta Xilkii lagu Wareejiyey Masuul Dhawaan loo Magacaabey.

0
568

Taliyaha dhawaan la magacaabay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta NISA.

C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo sii hayay xiika ku simaha taliyaha hay’adda Nabad-sugida muddo ku dhaw Afar bilood ayaa ku wareejiyay xilka taliyaha cusub.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir kuxigeenka iyo Saraakiisha Hoggaanada Nabadsugida Qaranka ayaa ka qeyb galay munaasabadda kooban ee xil wareejinta.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Isniintii la soo dhaafay u magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cusmaan Xuseen, kaddib muddo ku dhow afar bilood oo ay Taliye la’aan aheyd Nabadsugida.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa ku cusub xilkan ayaa wajahaya howlo adag oo la xiriira sugida Amniga, gaar ahaan caasimada Muqdisho uu halka ugu badan oo ay weerarada ka geysteen Al-shabaab.

warsom2011@gmail.com